Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhammaadka sannadkaan ay billaabi doonto tallaalka cudurka halista ah ee Busbuska Daanyeerka.
Cudurkan ayaa hadda lagu arkay dalal badan oo ka tirsan qaarada afrika iyo dalalka kale ee caalamka kaasoo si dhaqso ah ku faafaya.
Dowladda Kenya ayaa heleysa ilaa 2 milyan oo doos oo ah tallaalka cudurkaan bisha December ee sannadkaan.
Dalalka afrika iyo kuwa caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii loo xakameyn lahaa cudurkan oo ka mid ah kuwa sida dhaqsaha ku faafa, iyadoo cudurkan uu dad badan ku dilay bartamaha iyo bariga afrika.