Kenya oo cudur mar hore laga ciribtiray laga helay

0
75

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dalka Kenya, waxaa maanta ka billowday ololaha tallaalka degdegga ah ee dabeysha, kaddib markii kiisas cudurka dabeysha ah laga helay waqooyi-bari ee dalkaas.

Ololaha tallaalka ayaa lagu bartilmaameedsanayaa 7.4 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano jir, waxaana mudnaanta koowaad la siin doonaa toban gobol oo loo aqoonsaday inay khatar ugu jiraan cudurka.

Agaasimaha guud ee caafimaadka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad ​​3% caruurta Kenya aysan helin talaalka.

2014-kii Kenya waxa ay ku guulaysatay ciribtirka fayraska dabaysha.