Kenya oo heshay macdan qaali ah

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kenya ayaa heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta Coltan ee qaaliga ah, sida uu sheegay wasiirka macdanta.

Macdanta naadirka ah ayaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya, telefoonnada gacanta iyo qalabyada kale ee elegtarooniga ah.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo waxay haysataa in ka badan 70% kaydka korantada adduunka, kaas oo tobannaan sano hurinayey colaado rabshado wata oo ka dhacay bariga dalkaas.

Ma cadda inta ay le’eg tahay kaydadka Coltan ee laga helay Kenya.

Saraakiisha wasaaradda Macdanta ayaa hore uga dhawaajiyay in Kenya ay heli karto raadadka macdanta aadka u qaaliga ah, balse Wasiirka Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Kenya Salim Mvurya ayaa Arbacadii sheegay in ku dhawaaqistiisa ay la macno tahay “hadda in rajadaas ay rasmi noqotay” oo Kenya ay leedahay kaydka Coltan.

Kaydka macdantan ayaa laga helay lix gobol oo dalka Kenya kamid ah, balse ilaa hadda lama ogaan karo qiimaheeda inata uu la egyahay.