Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya.
Hadalkan ayuu ka sheegay Ruto magaalada Wajeer, mar uu halkaa kula hadlayey dad isu soo baxay.Wuxuu intaa ku daray in shucuubta ku nool agagaarka Xuduuddaha Kenya ay hadda ka dib si fudud u heli doonaan adeegyada dawladda.
Nidaamka baaritaanka dadka dalbanaya kaarka muwaadinnimada Kenya ayaa jiray muddo 60 sano


