Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa ka digtay halista cudurka Ebola nooca loo yaqaaan (Sudan Ebola Virus Disease) oo la xaqiijiyay inuu ka dilaacay dalka deriska la ah ee Uganda, Sida ay qortay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)
Fayraskaan Sudan waxuu lamid yahay lana bahyahay fayraska Ebola, waana xanuun darran oo dadka uu ku dhaco dhimashoodoodu badantahay qiyaastiina gaadhayso 40% Illaa 70% marka la eego safmareenadiisii hore sida ay sheegtay WHO.
Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha dalka Kenya, Mary Muthoni, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta maadaama xadka Kenya iyo Uganda uu yahay mid furan.
Waxay xustay in la xoojin doono kormeerka dhammaan goobaha laga soo galo dalka.
Hay’adda Caafimaadku Adduunka ayaa xustay in maqnaanshaha dawadiisa iyo hababkiisa ka hortag ay keenayso saamayn ba’an uu yeelan karo xanuunkan.


