Kenya oo ku dhawaaqday In ay diiwaangelisay Kiisaskii ugu horreeyey ee Omicron

0
173

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu diiwaangeliyay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona fayraska cusub ee Omicron oo laga helay qof safar ahaa.
Wasiir Mutahi Kagwe ma uusan shaacin tirada kiisaska ee la ogaaday ilaa iyo hadda.

Saacdo ka hora yay ahayd markii uu wasiirku a ayaa dhawaan shaaciyay in aysan dalka Kenya ka jirin kiisas la xiriira noocaan cusub, inkastoo kiisaska Korona fayrasku ay sare u soo kacayaan.

Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale ku warramaya in kiisaska hargabka ee dalka ka jira ay sare u keceen.

Dadka laga helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenya ayaa laba jibbaarmay, waxaana Talaadadii oo kaliya la diiwaangeliyey 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badnayd ee waayadaan la diiwaan geliyo.

Wadarta guud ee kiisaska Covid-19 ayaa gaareysa 256,815 oo ay ku jiraan 5,349 oo dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here