Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulka isgaarsiinta ee dalka Kenya ayaa sheegay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay uu dalku la kulmay 860 milyan oo weerarro dhanka internetka ah.
Maamulaha ayaa sheegay in “tirada xajimiga weerarada soo noqnoqda” ee lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha macluumaadka muhiimka ah ee Kenya ay si aad ah u kordheen.
2017, Kenya waxa ay la kulantay 7.7 milyan oo weerar dhanka internetka ah.
Bishii Luulyo, weerar dhanka internetka ah oo caan baxay oo loo aaneynayo kooxda Ruushka ee xogaha jabsada kuwaas oo hulaabtay magaca Sudan ayaa jartay marinka in ka badan 5,000 oo adeegyo dowladeed oo internetka ah oo dalkaas ku yaal, oo ay ku jiraan fiisaha, baasaboorka iyo codsiyada leesanka wadista wadista gawaarida iyo cusbooneysiintooda.