Kenya oo qorsheynaysa in fiisa la’aan dalkeeda lagusoo galo

0
89

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Kenya William Kipchirchir Samoei arap Ruto ayaa sheegay in waddankiisu uu “si dhab ah uga fikirayo in gebi ahaanba meesha laga saaro dal ku galka” looga baahan yahay ajaaniibta muddo dhowr bilood gudahood ah.

William Ruto waxa uu sheegay in Kenya ay tahay asalka bini’aadamka, sidaa darteedna aysan cadaalad ahayn in dadka soo booqda la weydiiyo dal ku gal maadaama ay gurigoodii imanayaan.

Tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxtinimada bishii Sebtembar ee sannadkii tagey Ruto wuxuu ka tanaasulay xannibaadaha fiisaha ee dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Eritrea, Djibouti, Comoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Indonesia.

Madaxweyne Ruto ayaa horay u sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu meesha ka saaro caqabadaha fiisaha ee dhammaan dalalka Midowga Afrika.