Kenya oo Shiinaha ka codsanaysa deyn dheeraad ah si loo dhamaystirto waddooyinka hakadka galay.

0
160

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u safri doona dalka Shiinaha dabayaaqada bishan si uu u raadiyo lacag dhan $1bilyan oo doolar oo amaah ah si uu ugu bixiyo mashaariicda waddooyinka ee istaagay, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa sidaas sheegay.

Gachagua ayaa u sheegay idaacada Inooro FM ee ku hadasha afka maxaliga ah in qandaraasleyaal badan ay ka tageen mashaariic dalka ka socday maadaama aysan helin qarashaadkii ay ku shaqayn lahaayeen.

Waxa uu sheegay in iyadoo Kenya uu shiinuhu ku leeyahay deymo badan, hadana madaxweynaha uu weydiisan doono $1bn oo dheeri ah isagoo doonaya in muddo dheer lagu bixiyo lacagtii hore loogu lahaa.

Shiinuhu waxa ay Kenya ku leeyahay in ka badan $8bn oo deymo ah oo loogu talagalay mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha.

Dowladda kenya ayaa lagu eedeeyay inay bixisay kharashaad aan loo baahnayn iyadoo dad badan oo Kenyaan ah ay ka cabanayaan sare u kaca maciishada iyo canshuur kordhinta ay dowladdu samaysay.