Kenya oo wadda ololaha Raila Odinga ee qabashada hoggaanka midowga Afrika.

0
43

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxda dowladda Kenya ayaa wada ololaha ay ku doonayaan sidii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ay dowladaha Midowga Afrika ay ugu dooran lahaayeen jagada Guddoomiyaha Midowga Africa.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa dhowaan shaaciyay inuu u tartamayo xilka guddoomiyaha midowga Afrika oo la dooran doono bisha feberaayo ee sannadka soo socda ee 2025-ka.

Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Raila Odnga oo wada socda ayaa arrintaasi kala hadlay qaar kamid ah dowladaha Africa iyagoo ka codsaday inay codadkooda ay ku taageeraan Kenya oo sannadka soo socda u taagan qabashada hoggaanka Midowga Afrika.

Dalal badan oo ka tirsan kuwa ku bahoobay midowga Afrika ayaa xusul duub ugu jira sidii ay ula wareegi lahayeen hogaanka midowga Afrika oo xaruntiisa tahay magaalada Addis Ababa.