Kevin De Bruyne Oo Magacaabay Xiddiga Uu Doorbidi Lahaa In Uu Ka Garab Ciyaaro

0
172

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kevin De Bruyne ayaa jawaab aad u fiican ka bixiyay mar la weydiiyay Xiddiga uu doorbidayo inuu la ciyaaro Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Xiddiga kooxda Man City ee Manchester City ayaa doortay Ronaldo xilli uu kubad sameeyuhu shaaca ka qaaday sababta uu Ronaldo uga doortay Messi.

Xiddiga reer Belguim ayaa sheegay in uu doorbidi lahaa in uu ka garab ciyaaro Xiddiga Man United sabab la xidhiidha in uu Ronaldo yahay Gool dhaliye marka loo bar-bar dhigo Messi oo dhinaciisa ah kubad sameeye.

“Waxa aan doorbidi lahaa  Ronaldo sababta oo ah waa xiddig weeraryahan gool dhaliye ah, marka loo bar-bar dhigo Messi oo kubad sameeye ah”ayuu yidhi

“anigu Waxaan ahay kubad sameeye waxa aan ka garab ciyaari karaa weeraryahan”.