Baladweyne ( Radio Beerlula)-Kevin De Bruyne ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay saaxiibadiisa Manchester City u qaateen wararka sheegaya inuu kooxda ka tagayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
De Bruyne ayaa dhaliyay goolka kaliya ee guusha City 1-0 ay kaga badiyeen Wolves Jimcihii, taas oo sii xoojisay rajadooda inay ku dhammeeystaan shanta sare ee Premier League una soo baxaan Champions League. Kulankaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee uu gurigiisa ku ciyaaro xilli-ciyaareedkan, wuxuuna shaaca ka qaaday waxa ay saaxiibadiis ka yiraahdeen bixitaankiisa, taas oo la xaqiijiyay bishii hore.
De Bruyne ayaa u sheegay Sky Sports: “Waan ogaa in hal kulan oo gurigeena ah ii harsanaa, laakiin waxaan isku dayayay inaan shaqadeyda qabsado, taas ayaana sameeyay maanta. Saaxiibo badan ayaa ii sheegay inay murugo ka qabaan inaan baxayo, laakiin nolosha mararka qaar waa sidaas.”
De Bruyne ayaa ku celiyay inuu weli wax badan u qaban karo City, isagoo horay u sheegay inuu dareemayo niyad-jab ka dhashay go’aanka Pep Guardiola iyo agaasimaha isboortiga Txiki Begiristain ee ah inaysan cusbooneysiin heshiiskiisa.
“Ma garanayo waxa mustaqbalka dhici doona, laakiin waan ogahay inaan weli halkan ka ciyaari karo,” ayuu yiri.