Kevin McCarthy oo ku guuleystay afhayeenka Congress-ka kadib 15 wareeg oo doorasho ah

0
186

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kevin McCarthy oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wareeggii 15-aad loo doortay afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah kadib markii uu tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa.

Ka dib 15 wareeg oo codeeyn ah oo la qabtay shan maalmood oo xiriir ah iyo tanaasulaad uu u sameeyey garabka midigta fog ee xisbigiisa, xildhibaanka laga soo doorto gobolka California Kevin McCarthy ayaa ugu danbeyn loo doortay in uu noqdo afhayeenka golaha wakiillada Mareykanka.

McCarthy oo 57 jir ah ayaa muddo sanada ah doonayay in uu noqdo afhayeenka Golaha Wakiillada. Toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu si isdaba joog ah ula kulmayay xubnaha Jamhuuriiinta si uu u xaqiijiyo codkooda. Laakin 14 goor waxaa diiday ilaa 20 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa.

McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyadoo koox yar oo garabka midig ah ay taako u dhigteen, inkastoo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo tanaasulaad kale, taas oo sababtay in uu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka mid ah xildhibaannada garabka midig oo hore u diiddanaa.