Khatarta caruurta ku keeni karto waxyabaha la isku qurxiyo oo laga digay.*

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kororka carruurta yaryar sida kuwa siddeed sano jirka ah ee isticmaalaya waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ayaa sababi karta dhibaato aan waxba laga qabi karin oo ku timaadda maqaarkooda, sida ay ka digeen Ururka Dhaqaatiirta Maqaarka ee dalka UK.

Carruurta qaar ayaa waaliddiintooda ka codsada waxyaabaha qaaliga ah kaddib markii ay arkeen inay isticmaalaan dadka caanka ka ah baraha bulshada ee ay taageeraan sida YouTube iyo TikTok.

Balse qaar badan oo alaabahaas ka mid ah waxaa ku jira maaddooyin loogu talogalay dadka qaangaarka ah keliya, sida aashitada maqaarka ka qaada qolofta dhimatay iyo wasakhda.

Waxay sababi karaan xasaasiyad iyo cuncun maqaarka ah.