Khuburo soo bandhigay hab cusub oo lagu yareyn karo walwalka.

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Khubaro Jarmal ah ayaa daraasad ay sameeyeen waxay ku ogaadeen in qofka oo hal mar laabta la galiyo maalintii ay yaraynayso xanuunnada maskaxda.

Daraasadda oo lagu sameeyey 13,000 oo qof ayaa eegtay sida taabashada qaybaha kala geddisan ee jirka ay dad kala duwan saamayn ugu yeelanayso.

Dr Julian Packheiser oo ka tirsan jaamacadda Ruhr University Bochum ayaa yiri isu dhawaanshaha xiriirkaas ayaa ah mid aad muhiim u ah. Haddi wakhtiayada laabta lagu galinayo ay badan yihiin waxaa lala xiriirinayaa in welwelka ay wax weyn ka qabtaan” ayuu yiri.

Qiyaastii mid ka mid ah 6dii qof ee Ingiriis ah ayaa qaba xanuunka keena in qofku isku buuqo, ayadoo haweenka ay laba jibaar uga nugul yihiin ragga in ay xanuunnada maskaxda qaadaan.