Kiiskii saddexaad ee Caabuqa Karoona oo laga helay dalka

0
274

Baladweyne(Radiobeerlula) Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in kiiskii saddexaad ee Caabuqa Karoona laga helay qof Ajnabi ah oo ka shaqeeya Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM iyo Qaramada midoobay.

” Wasaaradda Caafimaadku Waxay Xaqiijinaysaa Kiiskii Sadexaad ee Corona oo Laga Helay Qof Ajnabi ah oo Ku Jira Xerada Xalane oo ku Taala Garoonka Diyaaradaha Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook ee wasaaradda Caafimaadka.

Sidoo kale xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay kiiskan laga helay xerada Xalane.

Dhanka kale wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maanta bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).

Waxaa maanta qalabkaan lagu wareejiyay Punland iyo Soomaliland, waxaana qorshaysan in loo sii dhiibo qoondadooda Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Deeqdan waxay Soomaaliya uga timid Alibaba Foundations.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here