Konteener ay ku jireen cunto gargaar ayaa lagu bililiqeystay dekadda Haiti.

0
101

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid ka mid ah konteenarada gargaarka ee dekadda Haiti u yiilay la bililiqeystay.

UNICEF waxay sheegtay in mid ka mid ah 17-keeda konteenar lagu bililiqeystay dekadda iyadoo 260 konteenar oo ay leeyihiin hay’adaha gargaarka ay hadda gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan.

Konteenarka waxaa ku jiray waxyaabo muhiim u ah nolosha hooyada iyo carruurta iyadoo kooxaha burcadda ay gacanta ku hayaan caasimadda.

Haiti waxaa culeys ka haystaa in ay wax ka qabato dhibaato siyaasadeed iyo mid bani’aadannimo oo muddo soo jirtay.