Koobka Qaramada Afrika oo caawa lagu furayo Masar & Zimbabwe

0
361

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciyaartoyda xulka Zimbabwey ayaa ku hanjabaya inay gadoodaan kulanka caawa ee furitaanka u ah Koobka Qaramada Afrika madaama uu jiro muran la xiriira lacagta ay ka helayaan xiriirkooda.

Tartanka ayaa bilaabanaya caawa 11pm Saacada Geeska Afrika markaasoo xulka martigelinaya tartanka Masar ay wajahayaan xulka Zimbabwey.

Laakiin wadahadalo shalay socday ayaa guuldareystay iyadoo ciyaartoya ay diideen inay tababar sameeyaan ka hor kulanka caawa.

Shan ciyaaryahan iyo sarkaal ka tirsan xulka ayaana cabashadooda waxa ay kala hadleen wakaalada wararka Associated Press.

Waxay sheegeen in lacagtii ay xaqa u lahaayeen aan weli la siinin islamarkaana lacagtii loo balanqaaday u soo bixitaanooda tartanka iyadana la siinin oo ay dalbanayaan in la siiyo haatan.

War ay soo saareen xiriirka kubada cagta Zimbabwe ayay ku sheegeen in ciyaarta ay caawa la leeyihiin Masar inay sidoo loogu talogalay u dhici doonto.

Laakiin waxaa taasi diiday shanta ciyaaryahan e ehadlay kuwaasoo sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda inay weydiisteen xiriirka in la fasaxo oo ay gurigooda iska aadaan.

Gadood dhaca caawa waxa ay wajigabax ku tahay kubada cagta Afrika ka dib markii FIFA ay ku dhawaaqday Khamiistii inay qaadeyso talaabooyin ay ku nadiifineyso madaxda kubada cagta Afrika oo lagu eedeeyay musuq badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here