Koonfur Afrika oo sheegtay in ay guul weyn ka gaadhey tijaabo lagu baadi-goobayo daawada HIV-ga.

0
61

Jaamacadda KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa shaacisay in la sameeyay tijaabo lagu baadhaayey dawo cusub oo lagu daweyn karo HIV-ga.

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tijaabadan, oo socotay muddo laba sano ah, ayaa lagu baadhaayey in bukaanka uu jidhkooda iska xakameyn karo fayraska HIV iyadoo aan la isticmaalin daawooyinka maalinlaha ah. Waxaana ay ahayd markii ugu horreysay ee Afrika laga sameeyo tijaabo noocan ah.

Natiijada tijaabada ayaa 20% dadka ka qeyb galay ay awood u yeesheen in fayraska jidhkooda laga waayo muddo sanad iyo badh ah, xitaa iyadoo aysan wax daawo ah qaadanin mudadaas.

Prof. Thumbi Ndung’u, oo hormuud ka ahaa daraasaddan, ayaa sheegay in tani tahay markii ugu horreysay ee Afrika gudaheeda lagu sameeyo isku-darka daaweyntii hore ee HIV-ga iyo tallaabooyin lagu xoojiyo difaaca jidhka ay keeni karto in fayraska si dabiici ah loo xakameeyo xitaa haddii la joojiyo daawooyinkii.

Natiijooyinkii tijaabada ayaa aad u rajo badan, waxaana la sheegay in bukaannadii la tijaabiyay laga waayay fayraska HIV kadib daaweynta cusub.Jaamacadda ayaa sheegtay in cilmi-baadhistu wali socoto, balse natiijooyinkan hordhaca ah ay furayaan albaab cusub oo rajo leh si loo gaadho daawo rasmi ah oo HIV lagaga bogsan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here