Koox jirka biniadamka ka ganacsata oo lagu qabtay Pakistan

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)-Booliska Pakistan ayaa sheegay in ay qabteen sideed xubnood oo ka tirsan koox ka ganacsata xubnaha jirka biniadamka oo ka hawl gala waqooyiga dalkaasi. Ninka lagu edeeyay in uu yahay Hogaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo Fawad Mukhtaar — oo ah dhakhtar qalliinka ku taqasuasay — ayaa la sheegay in uu kelyaha kala soo baxay in ka badan saddex boqol oo qof oo uu ku tallaalay macaamiishiisa taajiriinta ah.

Madaxa ugu sareeya ee gobolka Punjab (Mohsin Naqvi) ayaa sheegay in howlgalladan lagu sameeyay guryo gaar ah, iyadoo kilidiiba lagu iibiyay ilaa shan iyo soddon kun oo dollar. Dhaqtarku waxa uu u adeegsaday nin makaanik baabuurta ah si uu kaaliyihiisa qaliinka u noqdo iyo in uu bukaanada u soo shukaamiyo cusbitaalada.

Waxa la xiray shan jeer, laakiin mar kasta waxa uu ku guulaystay in uu damiin kusoo baxo ka hor inta aanu dib u bilaabin ganacsigii sharci darada ahaa.