Koox Premier League Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Eden Hazard.

0
102

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Crystal Palace ayaa qorsheynaysa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo halyeeyga Premier League Eden Hazard, sida ay sheegayaan wararku.

Hazard ayaa ku riyaaqay todobo sano oo cajiib ah oo uu joogay chelsea una dhaliyay 110 gool 352 kulan oo uu ciyaaray.

Waxa uu ka caawiyay Blues inay ku guuleysato laba koob oo Premier League ah, laba koob oo Europa League ah iyo sidoo kale FA Cup iyo EFL Cup.

Xiddiga reer Belguim ayaa ka tagay chelsea isaga oo lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda Real Madrid isaga oo ku biiray sanadkii 2019.

Laakin waxa uu ku guul daraystay in uu wacdaro ka dhigo Spain ,kadib afar xilli ciyaareed oo uu kooxda joogay iyada oo qaab xor ah lagu fasaxay.

Sida laga soo xigtay FootballTransfers, kooxda Premier League ee Crystal Palace ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Belguim.