Kooxaha Barcelona iyo Inter Miami oo ku loollamaya saxiixa Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Lionel Messi

0
16

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Barcelona iyo Inter Miami ayaa la soo warinayaa inay ku loollamayaan saxiixa Lionel Messi, laakiin naadiga Paris Saint-Germain ayaan diyaar u ahayn inay xiddiga xulka qaranka Argentina u ogolaato inuu tago.

35-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda xafidanaysa horyaalka Faransiiska intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkan 2022-23, waxa uu dhaliyey 12 gool, isagoo caawiye ka ahaa 13 gool oo kale 17 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Qandaraaska Lionel Messi ee PSG ayaa ku eg bisha June ee soo aaddan, si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa jiray hadal hayn badan oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahankan dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inay dib ula soo saxiixato xiddiga reer Koonfur Ameerika, halka Inter Miami loo maleynayo inay ka shaqeyneyso sidii ay u keeni laheyd laacibkan horyaalka MLS-ka sanadka soo socda.

Sida laga soo xigtay Suxufiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, Barcelona iyo Inter Miami ayaa labaduba waxa ay doonayaan Messi, laakiin PSG ayaa sidoo kale kalsooni ku qabta inay ku qancin karaan weeraryahanka inuu qandaraas kale u saxiixo kooxda ka dhisan Caasimadda Faransiiska.

Romano ayaa sidoo kale sheegay in Messi uusan wali wax go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa, iyadoo weeraryahanka uu haatan diiradda saarayo Horyaalka Ligue 1 iyo Champions League ee Kooxda PSG, halka uu Xulkiisa Argentina ku matali doono Koobka Adduunka ee maalmo yar kaddib bilaaban doona.

Messi ayaa dhaliyay 7 gool, waxaana loo diiwaan galiyay 10 caawin 12 kulan oo uu saftay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan, halka uu afar kulan oo Champions League ah ka sameeyey 4 gool iyo 3 caawin.

Weeraryahankan ayaa beeca xorta ah uga tagay Barcelona suuqii xagaaga ee 2021, waxaana kooxda reer Catalan ay awoodi waysay inay bixiso mushaharkiisa sababo la xiriira dhibaatooyin dhaqaale oo ay markaas dhexda kaga jireen.