Kooxaha Chelsea iyo Sheffield United oo dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Stamford Bridge iyo natiijada ciyaarihii dhacay

0
449

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Chelsea ayaa barbaro kula dhaafi weysay Sheffield United garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen 2-2.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta Tammy Abraham ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea,wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0.

Tammy Abraham ayaa markale gaaray shabaqa kooxda Sheffield United, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hogaamineyso Chelsea.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

Laakiin 46 daqiiqao Callum Robinson ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa Sheffield United, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Enda Stevens.

Daqiiqadii 89-aad Kurt Zouma ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah, kadib markii uu iska dhaliyay gool kam ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 2-2, kaddib markii ay labada kooxood Chelsea iyo Sheffield United ay dhibcaha ku kala qeybsadeen garoonka Stamford Bridge.

Dhinaca kale kulamadii kale ee laga ciyaaray galabta horyaalka Premier League ayaa waxay natoojiynkooda noqdeen sidan:

Southampton 1 – 1 Manchester United

Chelsea 2 – 2 Sheffield United

Crystal Palace 1 – 0 Aston Villa

Leicester City 3 – 1 AFC Bournemouth

Manchester City 4 – 0 Brighton & Hove Albion

Newcastle United 1 – 1 Watford

West Ham United 2 – 0 Norwich City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here