Kooxaha Fc Hiiraan iyo Fc Gaadiidka oo barbaro ku daahfurtay tartanka sera B.

0
22

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxaha Fc Hiiraan iyo Fc Gaadiidka ayaa barbaro ku daahfurtay kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka Sera B kaasi oo ka socdo garoonka kubada cagta Laqanya kadib markii ay galeen barbaro 1-1.

kulankan ayaa kamid ahaa kulamada ugu adag tartanka maadaama labada kooxood oo ay kawada dhisan yihiin Xaafada Kooshin.

Waqtigii loogu talagalay ciyaarta ayaa waxa ay kusoo dhamaatay barbaro 1-1 taasi oo koox waliba fursad u haysato in ay soo baxdo kulanka xiga oo ay iska hor imaan doonaan kooxahaan.