Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Champions league Ilaa Haatan.

0
27

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa la galayaa kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League oo meel xiiso leh maraya.

Waxa jira kooxo u dagaalamaya mustaqbalkooda tartanka iyo kooxo si raaxo leh u ciyaaraya maadama ay haatanba sii hubaan rajadooda wareega xiga.

Dhinaca kale goolasha ayaa ah mid aad u adag tartanka champions League maadama uu yahay tartan ay isugu yimaadaan kooxaha ugu adag qaarada yurub.

Hadana kooxda Napoli ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka dhalisay champions League xilli ciyaareedka ilaa haatan iyaga oo dhaliyay 17 gool 3 kulan oo ay ciyaareen.

Waxa ku xigta kooxda Bayern Munich oo dhalisay 13 gool kadib markii ay ciyaareen 4 kulan wareega Group-yada tartanka xilli ciyaareedkan

Waxa ku xigta kooxda La Group-ka ah Napoli ee Liverpool kuwaas oo dhaliyay 12 gool 4 kulan oo ay ciyaareen ilaa haatan tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xigta kooxda Man City oo dhalisay 11 gool halka ku xigto kooxda Borussia Dortmund oo dhalisay 9 gool iyada oo ay ku sii xigto kooxda Real Madrid oo dhalisay 8 si la mid ah kooxaha Ajax iyo Barcelona.

Napoli (Italy) 17 gool

Bayern (Germany) 13

Liverpool (England) 12

Man City (England) 11

Dortmund (Germany) 9

Real Madrid (Spain) 8

Ajax (Netherland) 8

Barcelona (Spain) 8