Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League

0
189

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa caawa la ciyaaray kulamo ka tirsan heerka guruubyada Champions League, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen kuwo kooxo waa weyn ay wada ciyaareen.

Kulanka ugu adkaa kulammada caawa ayaa ahaa kan dhex maray kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona, iyada oo kooxda reer Germany ee Bayern ay ku adkaatay 2-0, goolasha waxaa u kala dhaliyay Lucas Hernandez iyo Leroy Sané.

Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa 2-1 kaga adkaatay naadiga reer Holland ee Ajax, goolasha Reds waxaa u kala dhaliyay Mohamed Salah iyo J. Matip.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group A

Liverpool 2-1 Ajax

Group B

Bayer Leverkusen 2-0 Atletico Madrid

FC Porto 0-4 Club Brugge

Group C

Viktoria Plzen 0-2 Inter Milan

Bayern Munich 2-0 Barcelona

Group D

Sporting CP 2-0 Tottenham Hotspur

Marseille 0-1 Eintracht Frankfurt.