Kooxaha Liverpool iyo Brighton oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield

0
152

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxaha Liverpool iyo Brighton & Hove Albion ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 3-3 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qebt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Brighton & Hove Albion.

Daqiiqadii 4-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Leandro Trossard, waxaana ka caawiyay Danny Welbeck.

18 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Leandro Trossard oo markan caawin goolka ay kaga timid saaxiibkiis Solly March ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Brighton & Hove Albion.

Laakiin daqiiqadii 33-aad Liverpool ayaa dhalisay gool, waxaana 1-2 ka dhigay Roberto Firmino, kaddib markii uu ka caawiyay Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 54-aad Liverpool ayaa dhalisay goolka barbrdhaca waxaana 2-2 ka dhigay Roberto Firmino, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Luis Díaz.

63 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool iska dhaliya laacibka kooxda Brighton ee Adam Webster, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 3-2.

Laakiin daqiiqadii 83-aad kooxda Brighton ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 3-3 ka dhigay Leandro Trossard.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah ay kukala baxeen labada kooxood Liverpool iyo Brighton & Hove Albion, kaddib ciyaar qurux badan ay ku wada ciyaareen garoonka Anfield.