Kooxaha Liverpool iyo Man United oo ku daggaalamaya saxiixa xiddig muhiim ka ah Atlético Madrid

0
172

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa nasinada ugu dirtay Tottenham laba gool oo nadiif ah oo uu saxiixay Mohamed Salah .

Ciyaarta mid deg degsiimo leh ayay aheyd waxa ayna Liveprool ka faa`ideysteen qaladaad ka dhacayay daafaca kooxda White Hart Lane

Tottenham cadaadis muuqda ma laheyn inkastoo goolhaye Liveprool uu is hor taagay ,  waxa ayna isku dayayeen in kubadda ka jiidaan garabka bidix balse ma jirrin xal muuqda

 

 

Daafaca Liverpool waxa ay u soo dhaqaaqayeen  bartamaha garoonka si ay uga hor tagaan rogaal celiska Tottenahm
Tottenham isku dhex yaacsanaan ayaa ka muuqatay , waxa ayna u nuglaayeen u soo laabashada daafac oo ma jirrin afkaar dhanka weerarka ah
Biloowgii soo laabashada , Tottenham horayayay u soo dhaqaqayeen waa ayna is fur fureen balse halis gilin muuqtaa ma jirrin halka Liverpool ahaayeen kuwo foojigan waliba goolal dheeraad ah raadinaya
Isku dayada Tottenham waxa ay wacnaayeen qeybta labaad kubadana waa ay dadajinayeen illaa ay keeneen gool daqiiqadii 68-aad
Dahaamdkii isku dayo iyo cadaadis ayay sameeyeen labada koox balse ma ma noqon kuwo mira dhala waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay Liverpool guusha ku heshay

ر