Kooxaha Liverpool iyo Man United oo ku daggaalamaya saxiixa xiddig muhiim ka ah Atlético Madrid

0
98

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha reer England ee Liverpool iyo Man United ayaa lagu soo waramayaa inay ku daggaalamayaan saxiixa xiddig muhiim ka ah naadiga Atlético Madrid.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee da’da yar ee kooxda Atlético Madrid Marcos Llorente ayaa soo jiitay indhaha horyaalada ugu waa weyn Yurub, kaddib bandhigii wacnaa uu ka sameeyay horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain, Liverpool iyo Manchester United ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan adeega Llorente, waxaana lagu qiimeeyaa ciyaaryahankan 40 million Euro.

Llorente waa 27 jir, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista khadka dhexe, waxaana qandaraaskiisa kooxda Atlético Madrid uu dhacayaa Juun 2027.

Llorente, oo ah da’yarka Real Madrid, ayaa u dhaqaaqay Atletico 2019, tan iyo markaas waxa uu ku ciyaaray maaliyada kooxda koowaad 130 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 19 gool, wuxuuna ka caawiyay saaxiibadiisa 20 gool kale.