Kooxaha Man United iyo Barcelona oo ka heshiiyay saxiixa Frenkie de Jong

0
189

Baladweyne (Radio Beerlula)-Saxafiga caanka ah shabakada Sky Sports ee Angelo Mangiante, ayaa sheegay in maamulka Manchester United ay Barcelona la gaareen heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan qandaraaska ciyaaryahanka reer Holland ee Frenkie de Jong, ​​inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Magaca Frenkie de Jong ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Barcelona xagaagan, inkastoo rabitaanka Xavi Hernandez uu yahay inuu sii joogo Blaugrana.

Laakiin maamulka Barcelona ayaa doonaya in ay iibiyaan Frenkie de Jong si ay uga faa’idaystaan ​​qiimaha ka soo xarooda heshiisyada ay ka doonayaan suuqa xagaaga, uu ugu horreeyo xiddiga ee Bayern Munich Robert Lewandowski.

Saxafiga ayaa tilmaamay in maamulka Manchester United ay u arkaan in heshiiska Frenkie de Jong uu yahay mid 100% la dhameeyay kaddib markii uu heshiis rasmi ah la gaareen Barcelona.

Angelo Mangiante ayaa sharaxay in Manchester United ay xagaagan kula soo saxiixan doonto xiddiga heerka caalami ee dalka Holland Frenkie de Jong adduun dhan 75 million euros, marka lagu daro gunnooyinka.

Waxaa xusid mudan in Frenkie de Jong oo 25 jir ah uu ka qayb qaatay 46 kulan xilli ciyaareedkii hore, isaga oo dhaliyay 4 gool, wuxuuna caawiyay 5 gool.