Kooxaha Man United iyo Barcelona oo qarka u saran inay ka heshiiyaan saxiixa De Jong

0
172

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida uu daabacay wargeyska Sport ee dalka Spain kooxda Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis kama dambeys ah la gaarto Barcelona, si ay kaga hesho saxiixa xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso Frenkie de Jong xagaagan si ay u hagaajiso miisaaniyadeeda dhaqaale taas oo u ogolaanaysa kooxda in ay heshiisyo cusub diwaan galiso iyo saxiixa weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski.

Dhinaca kale, Manchester United ayaa isha ku haysa inay lasoo saxiixato xiddiga reer Holland, waxaana arrintan ka caawin kara tababaraha cusub ee Eric Ten Hag, oo ay laacibka ka soo wada shaqeeyeen naadiga Ajax.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in Manchester United ay dalab cusub ka gudbisay De Jong, kaasoo gaaraya 80 million euros, qiimahan ayaa ah mid aad ugu dhow dalabka Barcelona, sidaas darted waxaa la filayaa in labada dhinac ay si deg-deg ah heshiis ku gaaraan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Manchester United ay haatan kala xaajoonayso De Jong mushaarka uu ka qaadan doono Old Trafford, kaasoo la filayo inuu dhaafo mushaarka uu ka qaato Barcelona.

Manchester United iyo Barcelona ayaa doonaya inay gabi ahaanba ay soo gabagabeeyaan heshiiska ka hor 30-ka June, taasoo la micno ah in si rasmi ah loogu dhawaaqi karo heshiiska maalmaha soo socda.