Baladweyne ( Radio Beerlula )-Suuqa kala iibsiga xagaaga ee Premier League 2025 ayaa si rasmi ah u xirmay, waxaana dhacay heshiisyo waaweyn oo taariikhi ah, iyadoo guud ahaan kharashka la bixiyay uu gaaray £3.13 bilyan, halka iibka ciyaartoyduna uu noqday qiyaastii £1.71 bilyan. Tani waxay ka dhigeysaa xilli kale oo rikoor cusub ah.
Liverpool ayaa noqotay kooxda kharashka ugu badan ku bixisay suuqa, iyadoo lacag dhan £442 milyan gelisay suuqa. Reds waxay dhigeen taariikh, kadib markii ay Alexander Isak kaga soo iibsadeen Newcastle qiimo dhan £125 milyan, kaas oo noqday saxiixoodii ugu qaalisanaa abid. Sidoo kale, waxay iska iibiyeen Luis Díaz oo ku biiray Barcelona, qiimihiisuna ahaa £65.5 milyan.
Chelsea ayaa kaalinta labaad gashay, iyagoo qarash gareeyay £276.1 milyan, halka Arsenal ay kaalinta saddexaad kaga jirto kharash dhan £263 milyan.
Newcastle United ayaa iyana kaalinta afraad gashay, kharashkooduna wuxuu gaaray £252.6 milyan, halka Manchester United ay ku dhammeysatay kaalinta shanaad iyadoo gelisay suuqa lacag dhan £282.6 milyan.


