Kooxaha Premier League Ka Dhisan Ee Ku Dhameysan Doona Afarta Sare Oo La Saadaaliyay Mar Kale

0
239

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Khabiirkii hore ee Bbc, Chris Sutton ayaa saadaaliyay in Chelsea aysan ku dhammaysan doonin afarta sare ee  Premier League, iyadoo koox lama filaan ah ay booskaasi buuxin doonto halkii laga filayay kooxaha caadiga ah.

Liverpool iyo Arsenal ayaa u muuqda kuwo xaqiijiyay boosaskooda, iyadoo kooxda lama filaanka ah ee xilli ciyaareedkan, Nottingham Forest, ay ku xigaan tartamayaasha horyaalka iyagoo leh 44 dhibcood.

Manchester City iyo Newcastle ayaa haysta 41 dhibcood, halka Chelsea iyo Bournemouth ay heystaan min 40 dhibcood, iyadoo kooxda kaalinta siddeedaad ku jirta ee Aston Villa ay saddex dhibcood ka hooseyso.

Chelsea ayaa usbuucaan ku bilaabatay afarta sare, waxayna fursad u heysteen inay booskaas xoojiyaan haddii ay garaacaan Man City, laakiin inkastoo ay hogaanka ku hormareen, waxay ugu dambeyn guuldarro 3-1 ah kala kulmeen kooxda Etihad.

Enzo Maresca iyo kooxdiisa ayaa ka yaabsaday dadka xilli ciyaareedkan, iyadoo la filayay inay ka mid noqdaan kuwa u tartamaya horyaalka bishii hore, laakiin hal guul oo kaliya toddobo kulan gudahood ayaa riyadoodii burburisay.

Si kastaba, haddii ay ku dhammaystaan afarta sare waxay noqon doontaa guul weyn oo ay gaareen, maadaama ay laba xilli ciyaareed oo adag soo mareen. Si kastaba, Chris Sutton, oo hore ugu ciyaaray Chelsea, ma rumeysna inay gaari doonaan booskaas.

Markii la weydiiyay inuu saadaaliyo afarta sare (sida ay u kala horreeyaan), weeraryahankii hore ayaa ka yiri barnaamijka It’s All Kicking Off!: ‘Liverpool, Arsenal, Manchester City, Bournemouth.’

‘Bournemouth waa mid ka mid ah sheekooyinka xilli ciyaareedkan. Ma maleynayo inuu jiro qof ku saadaaliyay inay Nottingham Forest 5-0 ku garaacaan. Bournemouth hadda waxay ku jiraan kaalinta toddobaad ee Premier League, waxeyna ku socotaa si aad u fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here