Kooxaha Tottenham Hotspur iyo Liverpool oo barbaro ku kala baxay

0
260

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Tottenham Hotspur iyo Liverpool ayaa barbaro 2-2 ah ku kala baxay, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada 18-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Tottenham Hotspur iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 13-aad kooxda martida loo ahaa ee Tottenham Hotspur ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Harry Kane kaddib markii ay caawin kaga timid Tanguy Ndombele.

Laakiin 35 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Diogo Jota oo caawin ka helay saaxiibkiis Andrew Robertson.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 70-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Andrew Robertson kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Alexander-Arnold.

Son Heung-min ayaa daqiiqadii 74-aad neefta ku soo celiyay kooxda Tottenham Hotspur, wuxuuna ciyaarta ka dhigay garbo siman 2-2.

Balse daqiiqadii 77-aad kooxda Liverpool ayaa noqotay 10 ciyaaryahan oo kaliya kaddib markii kaarka rooosaha la siiyay daafacooda garabka bidix ee Andrew Robertson.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 2-2 ay ku kala baxeen labada kooxood Tottenham Hotspur iyo Liverpool, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka dhaca magaalada London ee Spurs.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here