Kooxda Barcelona oo heshiisyo cusub ku abaal-marinaysa labo ka mid ah xiddigaheeda

0
298

Baladweyne(Radio Beerlula)- Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiisyo cusub ka saxiixanaysa labo ka mid ah xiddigaheeda.

Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warinaysa in goolhaye Marc Andre Ter Stegen iyo Nelson Semedo ay Barca u gacan gelin doonto heshiisyo cusub, iyagoo ballaarin doona qandaraasyada ay ku joogaan garoonka Camp Nou

Labadaan ciyaaryahan ayaa heshiiskooda haatan waxa uu ku egyahay sanadka 2022-ka, Catalans ayaana doonaysa inay muddo dheer la sii joogaan kaddib qaab ciyaareedkoodii wanaagsanaa oo ay dhowaanahan soo bandhigeen.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay u aragtay kordhinta heshiisyada labadaan laacib inay tahay mid ka mid ah waxyaabaha mudnaanta koowaad leh ka hor inta aan dib loo furin suuqa kala iibsiga xiddigaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here