Kooxda Buundo weyn B oo ku guuleystay tartanka isdhaxgalka afarta xaafadood ee Baladweyne

0
554

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka degmada Baladweyne iyo boqol dad ah ayaa u soo daawasho tagay ciyaarta kama dambeysta tartanka isdhaxgalka afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne oo dhaxmartay kooxaha Buundo weyn B iyo Howlwadaag A.

Kooxda Buundo weyn B ayaa 6-5 kaga badisay kooxda Howlwadaag A, iyadoo labada koox ay soo bandhigeen ciyaar xiise badan.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Baladweyne Abshir Xaashi Weheliye ayaa ka waramaya ahmiyadda tartankan.

Ku xigeenka duqa magaalada Baladweyne Cabdi Xuseen Cismaan iyo guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde ayaa si wada jir ah u sheegay in tartamada nuucan oo kalana ay kaalin ka geysanayan isdhaxgalka bulshada iyagoo u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geystay qabsoomida tartankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here