kooxda Howl wadaag Stars oo ku guul daro ku daahfuratay tartanka Sera B.

0
44

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda Howl wadaag Stars oo kamid ah kooxaha ugu waqtiga dheer magaalada Baladwayne ayaa guul daro xanuun badan kala kulantay 4-1  dhigooda Fc Fiiltare oo ka dhisan xaafada Buundo weyn ee magaalad Baladwayne.

kulankaan ayaa kamid ahaa kulamda ugu xiisah badan ee laga ciyaaray tartanka Sera B ee ka socdo magaalada Baladwayne.

kooxda FC Fiiltare ayaa heshay kulankaan Natiijo wanaagsan oo ay ugu gudbi karaan wareega xiga halka kooxda Howl wadaag Stars kulanka xiga laga sugaayo ilaa 4 gool si ay ugu gudbaan wareega xiga.