Baladweyne ( Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗝𝗼𝗯𝗸𝗲𝘆 ayaa 𝟕-𝟒 uga badisay dhigeeda kooxda 𝐑𝐚𝐦𝐥𝐨 𝐀𝐥𝐮𝐦𝐢𝐧𝐢𝐮𝐦 kadib ciyaar xiiso badan oo caawa ku dhaxmartay garoonka kubadda cagta 𝐀𝐟𝐲𝐚𝐫𝐞 ee magaalada Baladweyne.
Guddoomiyaha Ururka kubadda cagta gobolka Hiiraan 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐌𝐮𝐱𝐮𝐦𝐞𝐝 𝐊𝐚𝐛𝐚𝐝𝐨𝐫𝐨𝐠 , guddoomiyaha ururka kubadda cagta degmada Baladweyne 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗫𝗮𝘀𝘀𝗮𝗻 ( 𝗦𝗶𝗶𝗱𝗮𝗮𝗻𝗶) bahda isboortiga iyo dhalinyaro ayaa daawanayay ciyaartan.
Kooxda kubadda cagta Jobkey ayaa u gudubtay wareega xiga halka kooxda Ramlo Aluminium ay gabi ahaanba ka hartay tartankan.









