Kooxda kubada cagta FC:Waabari oo 2-1 ku garaacday kooxda FC: Kaxareey

0
94

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubada cagta FC:Kaxareey oo ka dhisan xaafada Howl Wadaag ee Magaalada Baladweyne ayaa guul daro kala kulantay 2:1 Kooxda kubada cagta FC:Waaberi kuwaas oo kawada tirsanaa Group A.

Kulankaan ayaa waxaa uu ku bilowday qaab ciyaareed aad u tayo sareeyo oo ay labada kooxood ku doonayeen in ay guul ku daahfurtaan kulankooda koowaad ee Grooup B.

Si kastaba ha ahaate kulankaan ayaa kusoo dhamaaday waqtigii loogu talagalay 2:1 oo ay guusha ku raacday Kooxda FC: Waaberi islamarkaana hantay Saddexdii dhibcood ee ugu horeeysay Groupkooda.