kooxda kubadda cagta Buulaxaabley ayaa 9-4 uga badisay kooxda VIP.

0
95

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Buulaxaableey  ayaa galabta 9-4 uga badisay dhigeeda VIP kadib ciyaar ku dhaxmartay garoonka kubadda cagta Buulaxaabley.

ciyaarta oo aheed mid aad uxiisa badan ayaa waxaa daawanayay taagarayaal badan oo kala taageerayay labada koox waxaana labada koox ka muuqday diyaar garoow xoogan.

si kastabada Kooxda Buula xaableey ayaa iska xaadirisay Fiinaalka oo ay wada ciyaari doonaan Daarsalaam.