Kooxda kubadda cagta ee macalimiinta iskuulka Hormuud oo kabadisay kooxda macalimiinta iskuulka Ibraahim Seedow

0
172

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Kooxda kubadda cagta ee macalimiinta iskuulka Hormuud ayaa rigoorayaal 1-0 ah uga badisay kooxda macalimiinta iskuulka Ibraahim Seedow kadib markii waqtigii loogu talo galay ciyaarta isla dhaafi waayeen barbaro 4-4 ah.

Guddoomiyaha Ururka kubadda cagta degmada Baladweyne Ismaaciil Cali Xassan ( Siidaani) Macalimiin, iyo dhalinyaro ayaa daawanayay ciyaartan oo xiiso gaar ah laheyd islamarkana natiijada markasta ay is badaleysay.

Kooxda kubadda cagta Hormuud ayaa u gudubtay sami finalka tartanka halka kooxda Ibraahim Seedow ay gabi ahaanba ka hartay tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here