Kooxda Liverpool oo Heshiis La gaartay Ciyaaryahan Somaali ah

0
455
Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Liverpool ayaa Heshiis la saxiixatay Ciyaaryahan Somaali ah kaasi oo lagu magacaabo Cabdi Shariif  Laacibkan qadka dhexe ka ciyaara ee 18 jirka ah wuxuu kooxda ka tirsanaa illaa markii uu lix jirka ahaa,  seddax sano ka hor ayuu billaabay inuu kooxda u ciyaaro
Marka ay da’diisu lix jir gaartay, Shariif wuxuu nasiib u helay inuu tababar uu ka helo Liverpool wuxuuna si toos ah uu ugu biiray akaadamiyada kubadda cagta Liverpool.
Cabdi Shariif wuxuu ku dhahshay Soomaaliya wuxuuna ku soo barbaaray Toxteth, Sharif wuxuu ciyaaraha kubadda cagta billaabay marki ay qoyskiisa u hayaameen dalka UK isaga oo 3 jir ah.
Shariif waxaa marar badan loo xilsaaray inuu Kooxda dhalinyarada ee Liverpool uu uga ciyaaro difaaca dambe iyo dhanka midig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here