Kooxda Man City oo guul ay u riyaaqeen ka gaaray Kooxda Crystal Palace

0
390

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Manchester City ayaa guul muhiim u aheyd ka gaartay Kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League oo maraya heer gabaabsi,City ayaana ku adkaatay 3-1.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa Koowaad ayaa waxa uu ku dhamaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso Kooxda Man City wallow Kooxda Crystal Place ay soo bandhigeen ciyaar cajiib ah.

Goolka City waxaa u dhaliyey laacibkooda reer Engand ee Sterling kaddib caawin uu ka helay De Bruyne daqiiqadii 15-aad ee qeebtii hore ee ciyaarta.

Kooxda reer Londone ayaa sameesay isku dayo badan balse kama aysan faa’ideysan in jaanisyadaas ay gool u badalaan,qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ku idlaaday gool iyo waxba oo Man City lee dahay goolka.

Muddo kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta Kooxda Man City oo dadaalkeeda sii laba jibaartay ayaa la timid goolka labaad ee ciyaarta daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta.

Laacibka xawaaraha badan ee Man City Sterling ayaa mar kale shabaqa gaaray kaddib caawin uu ka helay wiilka reer Germany ee Sane, natiijada ciyaarta ayaana noqotay 2-1.

Kooxda martida loo ahaa ee Crystal Palace ayaa soo noolaatay kaddib markii ay la yimaadeen goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey kabtankooda Milivojevic daqiiqadii 81-ee ciyaarta.

City waxaa soo wajahay cabsi badan iyo in laga bareejeen karo gooolkooda balse taa ma aysan dhicin laacibka reer Barazil ee Jesus oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa dhaliyey goolka sedexaad kaddib caawin uu ka helay De Bruyne daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeen kukanka ayaa ku soo dhamaday 3-1 oo ay ku adkaatay Kooxda Man City oo Todobaadkan guduhiisa la balansan Kooxda Tottenham kukanka lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka tartanka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here