Kooxda Manchester United oo heshiisyo cusub ka saxiixatay labo ka mid ah xiddigaheeda

0
332

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay heshiisyo cusub ka saxiixatay labadeeda ciyaaryahan ee Andreas Pereira iyo Axel Tuanzebe.

Andreas Pereira ayaa Manchester United qalinka ugu duugay qandaraas cusub oo afar sanadood ah sida ay shaacisay kooxda ka dheesha horyaalka Premier League.

Laacibkan khadka dhexe ee reer Brazil ayaa heshiiskaan cusub waxa uu kooxda ku sii hayn doona illaa sanadka 2023-ka, isagoo dooq u haysta inuu ku kordhin karo sanad kale oo dheer ah.

23-sano jirkaan ayaa ka soo baxay akadeemiga kooxda Man United waxaana uu wakhti wacan qaatay xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19 isagoo 35 kulan u ciyaaray kooxda koowaad ee Man Utd.

Dhinaca kale Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay qandaraas cusub ka saxiixatay maanta ciyaaryahan Axel Tuanzebe, kaasoo ka soo baxay isaguna akadeemiga kooxda.

Axel Tuanzebe ayaa Man United dhankiisa u saxiixay heshiis cusub oo kooxda ku sii hayn doona illaa sanadka 2022-ka, waxaana uu dooq u haystaa inuu ku kordhin karo sanad kale oo dheer ah haddii loo baahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here