Kooxda PKK oo ku dhawaaqay xabbad-joojin ay la gaareen dowladda Turkiga.

0
159

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ururka Shaqaalaha Kurdistan ee magaciisa loo soo gaabiyo PKK ayaa ku dhawaaqay xabad joojin ay la galeen Turkiga, ka dib markii hoggaamiyahooda xiran Cabdalla Ojalan uu ugu baaqay kooxda in ay hubka dhigaan islamarkaana dagaalyahannadooda la kala diro.

Kooxda PPK ayaa war ay soo saareen Sabtidii waxay ku sheegeen in ay dowladda rajeynayaan in dowladda Turkigu ay xabsiga ka sii deyso Ojalan oo tan iyo sannadkii 1999 xabsi adag ku jirey, si uu u hoggaamiyo hawlaha hubka dhigista.

Cabdalla Ojalan oo Kurdiyiin dhexdooda aad looga tixgeliyo, ayaa todobaadkan xabsiga uu ku xiran yahay oo ku yaal jasiiradda Imrali ee badda Marmara wuxuu ku qaabilay wafti xildhibaanno ah oo ka socdey xisbi qadiyadda Kurdiyiinta u janjeera.

Kooxda PPK ayaa 1984-tii billowday dagaal ay ku dooneyso in dadka Kurdiyiinta ah ee ku nool Turkiga oo ka dhigan 20% dadweynaha dalkaas ay ku heli lahaayeen dhul madaxbannaan. Waxaana dagaalka ay kula jiraan dowladda Turkigu uu salfaday dad lagu qiyaasay 40 kun oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here