Kooxda Real Madrid oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa James Maddison

0
268

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro laacibka khadka dhexe ee James Maddison sida wararku ay sheegayaan.

Xiddiga khadka dhexe uga dheela kooxda Leicester City ee James Maddison ayaa bartilmaameed u noqday naadiga Real Madrid.

Bilihii dhowaa ee la soo dhaafay waxaa Maddison la la xiriirinayey dhowr kooxood oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn Premier League oo ay ku jiraan Manchester United, Liverpool iyo Tottenham Hotspur.

22-sano jirkaan saamigiisa ayaa sare u sii kacay isbuucaan markii uu shabaqa ka soo taabtay Liverpool kulankii ka dhacay garoonka Anfield, isagoo ka dhaliyay goolkiisii sagaal gool 43 kulan oo uu horyaalka Premier League ciyaaray tan iyo markii uu ku soo biiray Foxes sanadkii 2018.

Sida ay warinayaan wararka laga helayo gudaha dalka Spain, kooxda Real Madrid ayaa bilowday inay diiwaan-gashato bandhigga xiddigan reer England uu sameynayo, taasoo ka dhigay inay tix-gelinayso inay soo qaataan suuqyada kala iibsi ee soo socda.

Si kastaba ha noqotee, wararku waxa ay intaa ku darayaan in Real Madrid aysan weli wax xiriir ah la sameyn Maddison iyo wakiilladiisa, maadaama ay sii wadaan ka fikiridda bartilmaameedyada kale.

Maddison ayaa gacanta ku haysta qandaraas afar sanadood ah oo uga harsan heshiiskiisa uu ku joogo garoonka King Power.mc.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here