Kooxda Real Madrid oo loo bandhigay fursad ay kula saxiixan karto Harry Kane

0
193

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa la soo warinayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixan karto Weeraryahanka reer England ee Harry Kane.

Los Blancos ayaa haatan arkay in loo furay albaabka ay kala soo bixi karto Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Sida uu warinayo Warsidaha El Nacional kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa loo bandhigay fursad ay kula saxiixan karto dhaliyaha kooxda Tottenham ee Harry Kane.

Kabtanka xulka qaranka England ayuaa si xoog leh loola xiriirinayey Los Blancos muddooyinkii dhowaa, laakiin hadda waxa ay raadinayaan xiddigo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe iyo Erling Haaland, iyadoo weeraryahanka Spurs loo arko mid aan macquul ahayn marxaladaan lagu jiro.

Sidaas oo ay tahay haddana Warsidaha El Nacional wuxuu sheegayaa in Real Madrid loo bandhigay fursad ay kula wareegi karto Weeraryahan Harry Kane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here