Kooxda Rice Doonayo City Iyo Arsenal, Sucuudiga Oo Liverpool Usoo Jeedsaday & Wararkii Suuqa Kala Iibsiga

0
131

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Declan Rice ayaa wali doorbidaya inuu Arsenal ku biiro walow ay Manchester City xiisaynayso isla markaana ay kooxda saddexleyda kusoo guuleysatay awoodo inay 100 Milyan oo pound ka bixiso. (Guardian)

Arsenal tababaraheeda Mikel Arteta ayaa aaminsan in Declan Rice yahay kabtanka mustaqbalka kooxdiisa isla markaana diyaarinayso dalabkii saddexaad ee ay ka gudbinayaan. (Mail)

Liverpool weeraryahankeeda Mohamed Salah ayaa ah saxeexa weyn ee xiga ee horyaalka Saudi Arabia bartilmaameedsanayso kaddib Karim Benzema iyo N’Golo Kante. (Four Four Two)

Jurgen Klopp wakiilkiisa ayaa meesha ka saaray in macalinkaasi ka tagayo Liverpool si uu Hansi Flick uga bedelo xulka Germany. (Bild, via Mirror)

AC Milan ayaa rajaynaysa inay saxeexa Romelu Lukaku ku garaacaan kooxda ay xifaaltamaan ee Inter walow uu sanadkii hore 30 sano jirkaasi amaah ku joogay Inter. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Manchester United iyo Chelsea ayaa meel dhexe iskugu yimid marka ay noqoto saxeexa Mason Mount, 24 sano jirkaas ayaa heshiis ku dhaw 60 Milyan oo pound ugu wareegaya Old Trafford. (Mirror)

Tottenham ayaa hoggaanka u qabatay tartanka kubad sameeyaha Leicester City ee James Maddison. (Guardian)

Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay heshiis laba sano ah u bandhigto Kyle Walker. (Bild – in German)

Arsenal khadkeeda dhexe ee Thomas Partey ayaa u furan inuu ku biiro Juventus oo heshiis saddex sano ah u diyaarisay. (Sky Sports Italia)

Fulham ayaa hoggaaminaysa tartanka khadka dhexe ee Southampton ee James Ward-Prowse. (Independent)

Fulham tababaraheeda Marco Silva ayaa ka fikiraya dalab qaali ah oo uga yimid kooxda Al Hilal. (i Sport)

Chelsea daafaceeda Azpilicueta ayaa bartilmaameed u ah Inter Milan.(Sky Sports Italia)

Borussia Dortmund ayaa dalab 13 Milyan oo pound ah u diyaarinaysa khadka dhexe ee Man United ee Hannibal Mejbri oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula soo joogay Birmingham. (Manchester Evening News)

Dortmund ayaa sidoo kale xiisaynaysa Cole Palmer oo Man City ka tirsan xilli ay suuqa ugu jirto bedelka Jude Bellingham. (Bild – in German)

Manchester United ayaa kooxda Jose Mourinho ee Roma u bandhigtay fursada saxeexa khadka dhexe ee Donny van de Beek. (Metro)

Roma garabkeeda Justin Kluivert ayaa heshiis 9.5 Milyan euros ah ugu wareegaya kooxda Bournemouth. (Fabrizio Romano)

Real Madrid ayaa indho indhaynaysa da’yarka Fenerbahce ee Arda Guler oo lagu naanaysay ‘Turkish Messi’. (Mail)

Lionel Messi ayaa u sheegay Kylian Mbappe inuu iskaga tago PSG maadaama oo uu u qalmo mashruuc guuleysanaya. (Defensa Central – in Spanish)

Marcus Thuram ayaa u sheegay PSG inuusan ku biirayn marka uu dhaco heshiiskiisa Borussia Monchengladbach.(L’Equipe – in French)