Kooxda ugu hooseyso horyaalka EPL Ingiriiska oo cashir lama ibaabaan u dhigtay Kooxda Manchester City

0
179

Baladweyne(Radio Beerlula)- Southampton ayaa ka yaabsatay kooxda sideeda jeer ku guuleysatay Carabao Cup ee Manchester City iyagoo u soo gudbay semi-finalka ka dib markii ay 2-0 ku dubteen.

Southampton ayaa labada gool dhalisay ka hor waqtigii nasashada iyagoo sii nooleeyay rajadooda koobkoodii ugu horeeyay iyagoo ka cirib tiray  u diray kooxda Man City oo si aan looga baranin u ciyaartay.

Kooxda Southampton ayaa ciyaarta ku bilaabatay si cajiib ah iyadoo Duje Caleta-Car laga badbaadiyay kubad halis aheyd, laakiin goolhaye Stefan Ortega ayaa celin waayay fursadii labaad ka dib markii Sekou Mara uu si habsami leh shabaqa u soo taabtay ka dib karoos uu ka helay Lycano.

Waxay ciyaarta noqotay 2-0 inta aan la gaarin 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay waxaana si cajiib ah u dhaliyay Moussa Djenepo oo kubad khadka dhexe ka soo jiiday isagoo arkay goolhayaha City oo banaanka u soo baxay, wuxuuna ka dulqaaday kubada.

Sidaas ayaana lagu kala nastay iyadoo City ay xitaa awoodi weysay inay hesho hal darbo qeybtii hore ee ciyaarta. Tababare Pep Guardiola ayaa seddex bedel sameeyay waqtigii nasashada iyadoo Kevin de Bruyne uu isku dayay inuu natiijada wax ka bedelo.

Xitaa markii la soo geliyay Erling Haaland waxba wuu ka qaban waayay garoonka iyadoo Southampton ay sabab u noqotay in Pep Guardiola uu wajaho guuldaradiisii 100aad ee intii uu tababare noqday.