Kooxdee Ayuu Jose Mourinho Taageeraa?

0
169

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababare Jose Mourinho ayaa ugu danbeyn xaqiijiyay kooxda uu sida dhabta ah u taageero.

Tababaraha reer Portugal ayaa soo qabtay qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn qaarada Yurub.

Porto wuxuu la qaaday Champions League, halka Chelsea uu kula guuleystay koobab Premier League. Inter Milan wuxuu ku qaaday seddexdii koob ee taariikhda galay halka uu La Liga kula guuleystay Real Madrid.

Inkastoo uusan guulo waa weyn ku gaarin Manchester United iyo Tottenham, Mourinho ayaa mar walba xiriir fiican la leh kooxihii uu soo tababaray.

Inkastoo uu dareen fiican u hayo dhamaan kooxihiisii hore, 60 jirkaan ayaa shaaciyay kooxda uu sida dhabta ah u taageero ee uu waligiis taageeri jiray.

Isagoo u hadlayay Corriere dello Sport, Mourinho ayaa yiri: “Dadku waxay leeyihiin aragtiyo kala duwan, laakiin aniga mar walba waxaan xiriir fiican la lahaa kooxihii aan ka soo shaqeeyay.

“Waxaan Portugal kula kulmay Mexican taageere Madrid ah oo si farxad weyn ah igu salaamay. Waxaan waligeey ahaa Madridista, waana sii ahaan doonaa.”

Markii la weydiiyay sababtii uu ugu wareegay AS Roma, Mourinho ayaa tusaale u soo qaatay tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti.

Wuxuu sharaxaad ku bixiyay: “Ma badna in tababarayaasha guulaha gaaray ay qabtaan mashruucyo yaryar, marka laga reebo Carlo Ancelotti oo qabtay Everton. Dadku waxay moodaan inay naga dhamaatay, ka dibna wuxuu aaday Madrid wuxuuna mar kale ku guuleystay wax walba.

“Marka jiilka Carlo iyo midkeyga uu soo dhamaado, waa adkaan doontaa in la helo tababarayaal guuleysta waqti dheer. Maanta waxaa jira tababarayaal xawaare sarre ku socdo laakiin isla xawaarahaas ayaa lagu bedelaa.

“Madaama aan ahay Ancelottiano iyo Madridista, waxaan rajeynayaa in Carlo uu muddo dheer sii joogo Real Madrid.”